Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, November 11, 2010

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo wada Howlgalo ka dhan ah ONLF.

Wararkana naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in halkaasi ay ka bilowdeen baaritaano ay sirdoonka iyo biiliska dalalka Kenya iyo Itoobiya ku ugaarsanayaan canaasir ka tirsan jabhada ONLF ee la dagaalanta Itoobiya.



Kenya ayaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah dagaal yahanada ONLF oo gabaad u soo aaday halkaasi, waxaana ka daba yimid Ciidamo itoobiyaan ah oo baadi goob ugu jira sidii ay u cirib tiri lahaayeen dagaal yahanada jabhadaasi.

Ciidamada Kenaya ayaa jirdil xoogan u geystay qaar ka mid ah dadkaasi iyo Eheladooda oo qaxooti ahaan u joogay Xadka Kenya waxaana la sheegayaa in ay dhibaato xoogan ka soo gaartay dadkaasi.

Xasan Cabdulle Cabdi oo ka mid ah dadka u ololeeya dhinaca Xaquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ay jirto dhibaato dhinaca waqooyi bari Kenya oo loo geysto dadkaasi oo isugu jira Dil iyo dhaawacyo.

Sidoo kale Xasan Cabdulle waxa uu sheegay laba ka mid ah odayaal dhaqameedyo jirdil u geysteen Ciidamada Kenya loo qaaday isbitaal ku yaala dalka Kenya si halkaasi loogu dabiibo.

Waa marki ugu horeysay oo labada dowladood ay iska kaashadaan howlgalo ceynkan oo kala ah, waxaana hada la sheegayaa in la qabtay lana jirdilay laba dhalinyara ah oo ka tirsanaa jabhada

Dalkayaga@gmail.com



Bookmark and Share

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News