Monday, November 1, 2010

Diyaarado Dagaal oo xiligaan Muqdisho dul heehaabaya

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu arkayay diyaarado nooca Qumaatiga u kaca oo ku duulaya joog hoose
, kuwaasi oo wararka qaar sheegayaan inay gaarayaan ilaa 2-Diyaaradoo, lana sheegay inay ka soo kaceen mid ka mid ah maraakiibta dagaalka eek u sugan Xeebaha Muqdisho.


Diyaaradahaan ayaa ku soo beegmaya xili 24-kii saac ee ugu dambeeyay Muqdisho ay ka dhacayeen dagaalo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo argagax hor leh ku beeriyay dadka fara ku tiriska ah eek u haray goobaha lagu dagaalamayo, sida xaafadaha Hodan, H/wadaag, Wardhiigley iyo W/muqdisho.
Sidoo kale lama oga diyaaradahaan ujeedada ay u socdaan, iyadoo dadeka muqdshana ay si toos ah u daawanaayay, kuwaaso oo ka cabsi qaba diyaaradahaasi inayb ka qeyb qaataan duqamaha iyo dagaalada ka socda dhulka in loogu daro kuwo cirka ah.

Dhinaca kale ilaa iyo xiligaan ma jiraan wax howlgal ah oo ay sameeyeen diyaaradahaasi, marka laga reebo inay dul heehaabayaan hawada, waxayna taasi u muuqataa  mid dhiirigelibnaysa militeriga AMISOM.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News