Monday, November 15, 2010

Dibadbax looga soo horjeedey Xukuumada KMG oo ka dhacay Garoowe.

Dibadbax looga soo horjeeday Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland.


Dibadbaxaani oo ahaa mid looga soo horjeeday wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaana dibadbaxa soo qaban qaabiyay Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal iyo kan Magaalada Garoowe.

Dadkii ka qeyb qaadanayay Banaanbax ayaa ku qeylinayay hadalo ka dhan ah xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan habka Wasiirada uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha iyagoo dhinaca kale soo dhaweeyay hadalkii Maamulka Puntland uu ku sheegay in uu ka fiirsanayo wadashaqeynta uu la leeyahay dowladda KMG.

Qaar ka mid ah Banaanbaxayaashaasi ayaa sheegay in fikir ahaan ay raacsanyihiin maamul goboleedka Puntland, waxaana ay sheegeen in Madaxwynaha dowladda KMG  ay ku diidanyihiin habka Maamulka Puntland uu wax ugu qeybiyay Xukuumada Cusub.

Banaanbaxaani looga soo horjeedo Xukuumada Cusub ee dowladda KMG  ayaa daba socda banaanbaxyo sidaan oo kale looga soo horjeeday Wasiirada Cusub kuwaasi oo maalintii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News