Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, November 4, 2010

Dagaalo galabta diba uga qarxay inta u dhaxeysa Dhabad iyo Galinsoor.

Dagaalo culus oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wada dega Bartamaha Soomaaliya ayaa galabta dib uga qarxay deegaano hoostaga Degmada Galinsoor iyo deegaanka Dhabad
ee gobolka Galgaduud halkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay xiisado ka taagnaayeen.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Dhabar iyo degmada Galinsoor waxaa galabka halkaasi ka bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya beelo mudooyinkii u dambeeyay ay u dhaxeeyeen xiisado colaadeed, waxaana dagaalku uu bilowday kadib markii ay maleeshiyaad hubaysan oo ka wada tirsan beelahaasi ay isaga horimaadeen deegaan shalay lagu dilay ilaa 15 ruux oo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha dagaalamaya.

Dhawaqa rasaasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa si weyn looga maqlayaa gudaha Magaalada Dhabad ee gobolka Galgaduud iyadoo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay in dagaalka la isku adeegsanayo qoryaha waaweyn, waxaana uu saameyn ku yeeshay dagaalkaasi dad reer guuraa ah oo ku sugnaa deegaanada lagu dagaalamayo.

Qaar ka mid ah shacabka degmada Galinsoor ayaa iyana saxaafadda u sheegay in labada dhinac ee dagaalamaya Saacadihii la soo dhaafay ay wadeen abaabulo iyo isruursi, waxaana ay tilmaameen in dagaalkaasi uu yimid kadib markii gurmad ay heleen labadaasi dhinac.

Xiisadihii ugu dambeeyay ee ka taagnaa deegaanada hoostaga degmada Galinsoor iyo deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 15 ruux oo meel ay ku sugnaayeen mar qura lagu wada dilay iyadoo lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News