Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, November 21, 2010

Dagaallo mar kale ka qarxay deegaannnadii ay shalay ku dagaalameen Al-shabaab iyo Ahlsunna

Wararka saakay laga hellayo deegaannada Warodhuumaleh iyo Ceel-god oo ka wada tirsan degmada Guri-ceel ee goballka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay mar kale uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa kooxda lala xiriiriyo AlQaacida ee Al Shabaab.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaa in dagaallka saakay uu bilaawday kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ku qaadeen kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, oo ku sugnaa deegaannada dagaalladu ka socdaan, waxaana sida uu sheegay wariye jooga degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud jira abaabul xoog leh oo ay wadaan xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna oo loogu gurmanayo goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

Illaa hadda dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaallada saakay mar kale ka dhacaya goballka Galgaduud, waxaanse xusid mudan in ku dhawaad 15 ruux ay ku dhinteen dagaalladii shalay kuwaas oo badankooda yahay dhinaca kooxda mayalka adag ee Al Shabaab ,halka in ka badan 25 ruuxna ka soo gaareen dhaawacyo kuwaasoo u badan dhinacyada dirirtu u dhaxeyso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News