Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, November 17, 2010

Dagaal mar kale ka qarxay Degaanka Kalshaale ee duleedka Magaalada Buuhoodle.

Wararka laga helayo Deegaanka Kalshaale oo ay Shalay Dagaalo xoogani ku dhexmareen Malayshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda Degmooyinka Buuhoodle & Burco ayaa kusoo waramaya in Saaka Barqanimadii uu markale halkaas dagaal xoogani ka qarxay.



Wararku Waxay sheegayaan in Dagaalkani bilowday kadib markii Malayshiyaad kasoo jeeda dhanka Burco oo wata gawaari tikniko ah oo ay leeyihiin Ciidanka Somaliland ay saaka halkaas soo weerareen islamarkaasna ay fooda isdareen kooxdii ay shalay ku dagaalameen Deegaanka Kalshaale.

Ilaa & Imika majiraan Wax war ah oo rasmi ah oo laga helayo Deegaanka ay Colaado saaka markale ka bilowday,waxaana imika gurmadyo badani ay gaarayaan goobta dagaalka iyadoo laga cabsiqabo in uu Dagaalku ka balaarto imika sida uu u socdo maadaama ay Gurmadyo badani halkaas gaareen.

Deegaanka Kalshaale oo 34-Km dhanka Waqooyiga uga began Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ayaa uu shalay dagaal xoogani ka qarxay Waxaana uu dagaalkani yimid kadib markii beelo degen meelo iskudhow oo kasoo kala jeeda SSC & Somaliland ay ku dagaalameen Ceelal biyoodyo halkaas laga qoday & kuwo horey uga qodnaa,waxaana Dagaalkii shalay ku geeryooday ugu yaraan 7-Ruux oo 5-kamid ahi ay kasoo jeedaan dhanka Magaalada Burco.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News