Contact Form

Name

Email *

Message *

Sunday, November 14, 2010

Culumada Ahlu Sunna ee S/Africa oo Hogaan cusub Doortay

Waxaa magalada Cape Town ee dalka South Africa maanta lagu qabtay xaflad lagu sagotinayo gudomiyihii guud ee ahlusunna waljamaca ee dalkan konfur Africa kadib Xaflada balaran oo ay soo qaban qaabiyeen Culumada Ahlu Sunna Waljeeca oo ka dhacday Magalada Cape Town ee dalkaasi.


Xafaladaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca, Culuma ka socota S/Afric, ganacsto, Aqoonyihino iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Cape Town.

Madasha oo ay ka hadleen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay Xaflada ayaa qaarkood qudbado dhowr ah ka jeediyay, iyadoo halkaasina ay ka dhacday xil wareejin,

Sheekh Axmed Yusuf Cafiir oo ahaa gudoomiyihii hore Ahlu Sunna ee dalka K/Africa ayaa waxaa uu xilkiisa ku wareejiyay Sheekh Maxamed Ibraahim Garyare oo isagu horey u ahaa Afhayeenka Ahlu Sunna Wajamaaca ee dalka K/Africa,

Doorashada kadib ayaa Gudoomiyaha cusub Sheekh Garyare ayaa u mahadceliyay dhamaan intii dooratay iyo ka soo qeybgalayaasha Xafladaasi, isagoo sheegay inuu xilkisa si weyn u gudan doono, waxaana uu doortay Gudoomiye ku xigeeno iyo xubno kale.

1.Gudomiha guud ee Ahlusunna Waljamaaca ee South Africa Sheikh Maxamed Ibraahim Garyare.
2.Gudoomiye Ku xigeen Sheekh Suubiye.
3.Gudoomiyaha Dacwadda Sheekh Nuur Ciise.
4.Gudoomiyaha Dhaqaalaha Sheekh Xamza Xaaji.
5.Afhayeenka guud ee Ahlu Sunna Waljmaaca ee S/Afrika Sheekh Xasan Sheekh Yuusuf.

Ugu dambeyntii Xafladaasi ayaa ku soo dhamaatay jawi aad ugu wanaagsan iyadoo halkaasi lagu sogootiyay Gudoomiyihii hore ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee dalka South Afrika.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News