Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, November 10, 2010

Ciidanka Kenya oo dhaq dhaqaaq ka bilaabay Xadka Mandheera iyo B/xawo.

Ciidamada Dalka Kenya ayaa dhaq dhaqaaq ciidan waxaa ay ka bilaabeen xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera, iyadoo dadka ku dhaqan magaalooyinkaasina ay cabsi soo wajahday.


Wararka laga helayo xadka Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo oo ka kala tirsan Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xadka labada magaalo ay soo buuxdhaafiyeen ciidamo Kenyaati ah oo isugu jira boliis iyo militari islamarkaan watta gaadiidka dagaalka kuwaasi oo halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Ciidamadaani kenya ayaa la sheegay in ishortaag ku sameeyeen dad shacab ah oo doonayay in ay isaga kala gooshaan Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada Balad Xaawo.

Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegay in ay xireen dad Soomaali ah oo doonayay inay u talaabaaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya iyadoo aan la ogeyn tirada dadka ay gacanya ku dhigeen.

Lamaoga ujeedada ka dambeysay dhaq dhaqaaqyada ay sameynayaan ciidamada Kenya hase ahaaree todobaadyadii la soo dhaafay ayaa magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Dalkayaga@gmail.com


Bookmark and Share

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News