Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, November 8, 2010

Ciidamada Kenya oo Mambasa ku xir xiray dad Somali ah

Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa xalay ku dhawaad 20-qof oo tahriibayaal Soomaali ah waxa ay ku xirxireen magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.


Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee dalkaan Kenya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe Ciidamada amaanka ee Kenya ay xabsiga u taxaabeen dad gaarayay 18-qof oo Tahriibayaal ah Soomaali ah.
Dadkaan ay xirxireen Ciidamada Kenya ayaa waxaa laga soo qabtay Xeebta Mombaasa, waxaana ay intooda badan ku wajahnaayeen dalka S/Afrika.

Mudooyinkan dambe ayaa waxaa magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya ku sii qulqulayay dadka Soomaalida ah ee tahriibaya dalka South Afrika si ay halkaasi uga haleen nolol ka wanaagsan midii ay uga soo carareen dalkooda hooyo ee Soomaaliya.
Dalkayaga@gmail,com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News