Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, November 25, 2010

Ciidamada Boosaaso oo dad ku soo qab qabtay howlgalo ay sameeyeen.

Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa howlgalo dad lagu soo qab qabtay waxaa ay ka sameyeen xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.



Xili maalmihii u dambeeyay magaalada Boosaaso ay ku soo kordhayeen falal amni dari ah ayaa xalay ciidamadda booliska Maamul goboleedka Puntland waxaaa ay howlgalo baaritaano ah ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.

Xalay ayaa la sheegay in ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay ku gaaf wareegayeen xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, waxaana ay howlgalkaasi ku soo qab qabteen ku dhawaad 5-ruux oo u badan dhalinyaro sida ay dad goobjooga yaal ah ay u xaqiijiyieen Idaacadda Shabelle.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in 5-ta ruux ee laga qabtay magaalada Boosaaaso looga shakiyay in falal amni dari ay ka gaysan rabeen magaaladaasi, waxaana dadka xalay howlgalka lagu qab qabtay ay ku hoydeen Xabsi ku yaala magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wali uu qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso uu ka soconayo howlgalo baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada Maamul goboleedka Puntland kuwaasi oo baarayay guryaha ku yaala xaafadaha ka tirsan magaaladaasi.

Inkastoo saakay uu howlgalo ka socdo magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa hadana waxaa ay sababeen howlgaladasi in uu hakad galo isu socodkii gaadiidka iyo ganacsiga ka jiray magaaladasi, waxaana la’ogayn in howlgalada saakay ay ciidamadaasi ay ku soo qab qabteen dad iyo inkale.


Dalkayaga@gmail.com






0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News