Tuesday, November 16, 2010

Buuhoodle oo dagaal ku ciiday

Buuhoodle
Degaan ka tirsan Buuhoodle ayaa maanta dagaal ka dhacay.
Waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex ruux.


Waxaa is dilaya laba niman ka soo jeeda beelaha Buuhoodle iyo Burco.
Balli ku yaalla Kalshaale oo ay reer baadiyaha labada beelood biyaha ka cabbi jireen ayaa muranku ka billowday.

Xabbaddu waxay billaabatay xilligii la tukanayay salaadda Ciidda.

Waxaa hadda la sheegayaa in xabbaddu ay istaagtay.

Source: BBC Somali

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News