Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, November 19, 2010

Burcad Kenyaati ah oo Ganacsade Somali ah ku dilay Islii.

Burcad hubeysan ee Kenyaati ah ayaa Maanta barqadii ganacsade Soomaali ah waxaa ay ku dileen Dukaan uu ku lahaa Xaafaada Soomaalidu ay ku badantahay ee Islii, xili ay doonayeen inay dukaankaasi dhac u geystaan.


Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta kooxo Kenyaati ah oo ku hubeysnaa qoryaha Ak47 iyo Bastoolado ay weerar ku qaadeen dukaan ay lahaayeen Ganacsato Soomaali ah oo kuyaala Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Kooxahaani oo la sheegay inay gaarayeen ilaa 3 ruux ayaa doonayay inay dhacaan hantida taalay mid ka mid ah dukaamada Ganacsatada Soomaalida ay kuleeyihiin Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi gaar ahaan agagaarka Wadada Seven Stared, waxaana kooxahaasi halkaasi ay ku dileen ganacsade Soomaali ah oo ah iska lahaa dukaanka ay weereen.

Mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa agagaarka goobta falkaasi dilka ah uu ka dhacay ayaa waxaa uu Idacada VOAda u sheegay in dukaanka la weeraray ay ku jireen sedax nin oo ganacsato Soomaali ah, waxaana rasaas ay ku fureen kooxhaasi ay haleeshay mid ka mid ah sedaxdaasi ganacsade, isagoo intaasi ku daray in mid ka mid ah burcadaasi uu gudaha u galay dukaanka walow aysan u suurtoobin inay dhacaan hantidii dukaankaasi tiilay.

Goobjoogaha sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in goobta ay isaga baxsadeen sedaxdii qof ee hubeysnaa, iyadoona daqiiqado kadib halkii falkaasi uu ka dhacay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya kuwaasi oo halkaasi baaritaano ka bilaabay.

23-kii bishii la soo dhaafay ee October ayay aheeyd Markii kooxo hubaysan oo Kenyaati ah ay ku dileen agagaarka Masjidka Abuubakar Sadiiq ee kuyaala Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi Ganacsade Soomaali ah oo xiligaasi ku sugnaa Dukaan uu ku lahaa halkaasi iyagoo sidoo kale kooxahaasi hubaysan horay u dilay nin kale oo lagu sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dalka Kenya hase ahaatee dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News