Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, November 1, 2010

Boosaaso: Xukun dil ah oo lagu fuliyay dagaalyahano lagu soo qabtay buuraleyda Galgala.

Maxkamadda darajada koowaad ee Maamul goboleedka Puntland ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Axmed Faarax Daarood (Muxsin) oo 22 jir ah iyo Saciid Cusmaan Saciid (Zudeysi) 31 jir ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobolka bari oo uu ka dagaalamayay Wadaadka la yiraahdo Sheekh Attam.

Xukunkan toogashada ah oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ayaan Saxaafadda ka qeybgelin, iyadoo Maxkamadda ay sheegtay in raggan la soo qabtay 10/09/2010 xili ciidmada Puntland ay dagaal kula jireen maliishiyada Sheekh Attam.

Falkani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Maamulka Puntland ka fuliyo deegaanada uu maamulo, iyadoo dhowaan uu sheegay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole in guud ahaan Puntland ay ka sifeeyeen wax uu ku sheegay argagixisada caalamiga ah


Source: APL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News