Wednesday, November 17, 2010

Ahlu Sunnada Gobolda Dhexe oo maanta u dabaal dageeysa Munaasabada Maalinta Koowaad ee Ciidul Adhxada

Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud oo ee ay gacanta ku hayaan Culumaa’idiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta looga dabaal degayaa maalinta Koowaad ee Ciidul Adhxada halka inta badan dalka Soomaaliya maalintii shalay laga ciiday.

Dadka ku nool Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Caabud-waaq ayaa saaka saalada ciidul Adhxada ku tukuday meelo fagaaro ah ee ay cilaamiyeen maamaulada Ahlu Sunna Waljamaace ee magaalooyinkaasi.

Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Alu Sunna Waljamaaca Sheekh Xasan Cabdi Calas ayaa ka qeyb galay goob fagaaraha oo ay saalada Ciida saaka ku tukadeen boqolal dadweynaha ku nool Degmda Cabuud-Waaq ee Govbolka Galgaduud isagoona la hadlay dadka Salaada la tukaday.

Gudoomiyaha ayaa marka hore Munaasabada Ciida ugu Hambaleeyey dhamaan Muslimiinta ah, waxa uuna sidoo kale ugu duceeyey dadka ku nool Gobolka Galgaduud gaar ahaan dadka barakacayasha ah in Alaah dhibaatada uu ka dul qaado islamarkaana uu u hagaajiyo deegaanadii ay ka soo carareen.

Magaalooyinka ay maamulaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta looga dabaal dagayo munaasabada Ciida ayaanan shalay laga ciidan halka deegaanada ay Alshabaab haysato shalay ku amreen inay ciidaan maxaasta la haysataha ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News