Wednesday, November 3, 2010

Ahlu Sunn oo fasaxday Isgaarsiinta iyo Xawaladaha Galgaduud.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaca ayaa dib u fasaaxay Shirkadihii isgaarsiinta iyo kuwa Xawaaladaha ee ka howlgalayay magaalada Dhuusamareeb oo ay dhawaan albaabaha isugu dhifteen Maamulkaasi.


Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka aramiya magaalo madaxda gobolka Dhuusamareeb ayaa dib u fasaxay qaar ka mid ah Shirkadaha ka shaqaynayay gudaha magaaladaasi gaar ahaan kuwa qaabilsana xiriirka Hawada iyo kuwa Taleefoonada oo ay dhawaan albaabada isugu dhifteen Maamulka Ahlu Sunna kadib markii ay ka dhaga adeegeen amaro ay duldhigeen Maamulkaasi.

Shirkadaha la fasaxay qaarkood ayaa waxaa ay timid kagadaal markii kulan ay isla kaa shadeen Aqoonyahanada, dhalinyarada iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Shirkadahaasi ay isku afgarteen inay ka tanaasulaan mowqifka markii hore ay qaateen Mas’uuliyiinta Shirkadaha la xiray, waxaana arintaasi soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa markii ugu horeysay Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka aramiya magaalada madaxda gobolka Dhuusamareeb ay amaro nuucaan oo kale ah ay ku soo rogaan Shirkadaha fulinaya adeegyada Bulshada hase ahaatee arintaan maanta lagu fasaxaya Shirkadahaasi ayaa si wayn u soo dhaweeyay qaar ka mid ah xiriirkii isgaarsiineed ee Shirkadaha ku yaala magaalada Dhuusambareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News