Friday, October 15, 2010

Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo dib u qabsaday Magaalada Dhuusa-Mareeb

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Dhuusa-mareeb. 

Xiriir aan la samaynay ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa u xaqiijiyey Dalkayaga News in magaalada ay hadda deggen tahay.

Wararka waxay intaa ku darayaan in kooxda Al-Shabaab oo maanta qabsaday magaalada Dhuusam-Mareeb ay iskood isaga baxeen magaalada ka dib cabsi uga timid ciidamada Ahlu Sunnah oo kusoo qamaamay magaalda gudaheeda si ay dhagta dhiiga ugu daraan kooxaha watta ajinabiga ee al-Shabaab.

Halkan kala soco wixii war ah ee kasoo kordha xaaladda Dhuusamareeb.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News