Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, October 20, 2010

Xildibaanno ka Tirsan Guurtida oo ku Baaqay In Ictiraafka Somaliland Laga Raadiyo Wadamada Carabta iyo Israa’iil

Hargeysa (Jam)- Xildhibaannada Golaha Guurtida, ayaa shalay dood ka yeeshay siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland, iyaga oo qaar ka mid ah xildhibaannada dooda ka qaybqaatay ku baaqeen in aqoonsiga Somaliland laga raadiyo dalka Israa’iil iyo dawladaha Carabta, halka mudanayaal kalena soo jeediyeen in la sugo aftida la filayo in gobolada koonfureed ee dalka Suudaan ku madaxbanaanaadaan, taasi oo ay sheegeen inay fursad u tahay Somaliland. 

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), oo ugu horeyn fadhigii shalay ee Guurtida doodiisa ka dhiibtay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan leeyahay qoladaa kiristanka ah ee Koonfurta Suudaan ee la leeyahay waxbaa loo goynayaa aynu iska sugno. Mida kale Maraykanku waxa uu yidhi Somaliland, Puntland iyo gobolada dhexe ee dalka Soomaliya mucaawimo ayaan siinayaa, maanta Balad-wayne oo Dagaal ka socday iyo inaga (Somaliland) meel ahaan ayaa la ina wada dhigay 21 sanadood gooni isku taag ayaynu haynay halkaa wixii ku jiraa.” 

Md. Axmed Gacan waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaan leeyahay dawladii hore wax badan ayay ka qabatay siyaasada arimaha dibada.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Mida kale Carabta waxbaynu isku haynaaye yeynaan ka tagin oo aynu ogaano khayraadka ayaynu isku haynaaye.” 

Md. Axmed Muuse Obsiiye waxa uu sheegay in dawlada Israa’iil tahay dawladii ugu horeysay ee Somaliland ictiraafta “26/06/1960-kii markii aynu madax-banaanida qaadanaynay aniga oo Burco jooga waxaan xasuusanahay qoladii ugu horeysay ee ina ictiraaftay Yuhuud ayay ahayd, ku gaaloobi mayno oo Islaamnimada kaga bixi mayno, cid wax ina siin jirtay oo inagaga goynaysaana ma jirto oo Yurubta aynu sheegayno iyo Maraykanba iyadda ayaa hoggaamisa, waar lix oday imika aynu u dirno haddii ay ictiraaf ka keeni waayaana aniga hala i qabsado, lixdaa oday waliba aniga madax iiga dhiga,”ayuu ayuu Md. Axmed Muuse Obsiye ku soo koobay hadalkiisa. 

Md. Cabdiqaadir Xuseen (Indho-Indho), oo isaguna siyaasada arrimaha dibada si waafi ah uga hadlay ayaa yidhi; “Doorashadii dalka ka dhacday adduunka way inagu soo jeedisay, sidaas daraadeed waxa loo baahan yahay in laga midho dhaliyo oo aan la iska fadhiyin. 

Haddii aad u haysataan in arrimaha dibada ay ku filan yihiin Madaxwayne iyo Wasiirka arrimaha dibada oo kaliya kuma filna, waxa loo baahan yahay in gudidayada arrimaha dibada ee golayaashu inay shaqeeyaan oo ay Carab u tagaan oo taa Axmed sheegayo (Dawlada Israa’iil) u tagaan.” Ayuu yidhi xildhibaan Indho Indho, isaga oo intaa sii raaciyay “Meel walba waxa fadhiya nimankii Soomaliya la odhan jiray oo shir walba, gaal walba iyo Carab walba way hor fadhiyaan, waxayna inaga sheegayaan been oo waxay leeyihiin waanu xukunaa, inaguna shir kaliya tagi mayno ee waxaynu leenahay waynu goosanay, shir walbana waxa lagu hayaa arrinkeena.” 

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho waxa uu sheegay in shir ay kaga qayb-galeen dalka Jabuuti ay dadkii ka socday Soomaliya iyo Maamulka Puntland-ba ay ku dhawaaqayeen Jamhuuriyadda Somaliland “Anagu Jabuuti ayaanu isugu nimid nimankaa (Soomaliya) wayna carareen markii ay na arkeen, 22 dawladood ayaanu dhex fadhinay, kuwii Puntland iyo kuwii Soomaliyada kaleba waxay yidhaahdeen Jamhuuriyadda Somaliland, waayo meesha aad joogto nina kuguma xaman karo,”ayuu hadalkiisii ku soo xidhay xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho. 

Ugu dambayn Xildhiban Xasan Boobe oo isna ka qaynqaatay dooda xildhibaannada guurtidu ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland oo isna halkaa ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Horta Mudanahaa ku dhawaaqay (In wefti loo diro Israa’iil) wuu mahadsan yahay, diinteenana cid inaga qaadi mayso oo qalbiga ayay inoogu jirtaa, waxaana haboon in meesha ay wax inoogu jiraan inaynu tango ayaa waajib ah, inta ka dhiman ictiraafka Somaliland-na waa intii waawaynyd ee Guurtida ayaan waliba safar shaqo u buxin, waligoodba meel may qaban oo halkan ayay ku seetaysan yihiin oo nabada kaga sheekeeyaan, waana intii wax unugtay, sidaa daraadeed waxaan leeyahay haddii dawladii hore garan wayday inay wefti noo saarto, tan waxaanu ka codsanaynaa anaga oo ka shaqaynaynaa Somaliland gooni isku taageeda waxaanu leenahay waar weftiyadda mar halanagu daro, ama aanu Yuhuud qabano ama aanu Carab qabanee.” Isaga oo xildihaan Boobe hadalkiisa ku soo xidhay “Waaryaadhaheen Yuhuudaa wefti ma u dirnaa.”





Jamhuuriya Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News