Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, October 14, 2010

Waa Kuma Dr Mohamed Abdilaahi Farmaajo Raisalwasaraha Cusub Ee Soomaaliya ...

Masuulkan lagu magaacaabo Dr Maxamed Cabdilaahi Maxamed ' Farmaajo ' oo maanta uu madaxweynaha dawlada kmg ah ee soomaaliya xilka Raisalwasaarenimo u magacaabay ayaa la sheegey inuu yahay diblomaasi mudo badan ka shaqeynayey wadanka Mareykanka
isla markaasna aqoon leh xalinta mushkiladaha.

Raisalwasaaraha cusub wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho 1962, wuxuu waxbarashadiisa hoose uga baxay 1da Luuliyo ee magaalada Muqdisho,Dugsiga dhexe maxamuud Xarbi ayuu uga baxay .

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaa uu ka yimid dalka Mareykanka,Wuxuu isaga oo 20 sanno jir ah ayuu ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee New York Ilaa berigaana waxaa uu ku noolaa Mareykanka oo uu waxbarashadiisa heer jaamacadeed ku diyaariyey,Laguma aqoon fagaarayaasha siyaasadda ee Soomaaliya.

Masuulkan ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Beesha Darood gaar ahaan Beesha Marexaan ee degta Gobolada Gedo, Galgaduud & Jubooyinka,waxaana la aaminsan yahay in xilkaasi loo magacaabay ka dib markii madaxweynaha & la taliyeyaashu garteen inuu ninkaasi karti u leeyahay xalinta dhibaatada ka taagan dalka soomaaliya.

Si kastey ahaataba Masuulkan maanta kasbadey xilka Raisalwasarenimada soomaliya ayaa lagu wadaa inuu wax badan ka qabto xaaladaha cakiran ee ka jira wadanka soomaaliya,waxaana masuulkaas looga fadhiya sidii u wajahi lahaa dhibaatada baahsan ee ka jirta wadanka soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dr Maxamed Cabdilaahi Maxamed " Farmaajo " ayaa dadka ku dhaw dhaw sheegeen inuu yahay nin nabadda jecel isla markaasna la aamisan yahay inuu wax badan ka bedeli doono dhibaatada & colaadaha ka taagan wadanka Soomaaliya. Waxaana lagu wada inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo golo wasiiro tayo leh oo dawlada kmg ah ee soomaaliya yeelato.

Source:Gedonet

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News