Monday, October 4, 2010

Taliska Ciidanka Puntland oo ka warbixiyay 50 qof oo lagu xir xirey Boosaaso

Taliska ciidamada Maamul goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyay ilaa 50 qof oo lagu xiray saacadihii la soo dhaafay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.
 
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee Maamul Goboleedka Puntland Max’ed Saciid Jaqanaf oo la hadlayay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in howlgalo ciidamada Puntland ay ka sameeyeen xaafado badan oo kuyaala Magaalada Boosaaso ay ku soo qab qabteen in ka badan 50 qof oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo la sheegay inay ka gansacanayeen waxyaabaha Maanka dooriya.

Waxaa uu sheegay Max’ed Saciid Jaqanaf in qaar ka mid ah dadkaani dhalasho ahaan ay ka soo jeedaan Ethiopia isagoo intaasi raaciyay inay ku qabteen dhalooyin qamri ah iyo qalab kale oo uu sheegay inay ku qasayeen ama ay ku karinayeen waxyaabo kale oo maanka dooriya oo ay ka mid tahay Xashiishada iyo Calaqa.

Taliye ku xigeenka Ciidamada booliska Puntland waxaa uu sheegya in dadkaani haatan baaritaano lagu wado, islamarkaana maalmaha soo aadan ay geyn doonaan Maxkamad si kuwa dambiyadooda ay ku cadaadeen loogu qaado sharciga.

Howlgalada ay Magaalada Boosaaso ka sameeyeen Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa daba socdo howlgalo mudooyinkii u dambeeyay ciidamadaasi ay ku ugaarsanayeen kooxo ay ku tilmaameen in ay ka dambeeyaan falalka amni darida ee ka jira Magaalada Boosaaso.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News