Sunday, October 10, 2010

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa maanta qeybo ka mid ah  Magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug ka dhacay qarax xoogan aan la ogayn cida loo dhigayay iyadoo la sheegay qaraxasi in uu dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
 
Qaraxaani oo ahaa mid xoogan islamarkaana dhawaaqiisa laga maqlaya xaafadaha woqooyi iyo kuwa Koofureeed ee Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxa uu ka dhacay xaafadda Garsoor ee Woqooyiga Magaalada Gaalkacayo.

Inta la’ogyahay waxaa ku geeryiday 3-ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen sida la sheegay dadkii qaraxa aasayay halka labo kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana bur bur lixaad leh uu soo gaaray guryihii ka agdhawaa halka uu qarax ka dhacay waxana la sheegay in guriga dumay hoostiisa ay ku jiraan dad islamarkaana dadku ay wadaan soo saarista dadka guriga uu ku dumay.

Mid ka mid ah cuqaasha deegaanka oo lagu magacaabo Cabidiraxman Maxamed Gulleesd Geelan(Kilwe) oon Dalkayaga News la xirirtay ayaa waxaa uu nooga warbixiyay sida ay waxa u dhaceen, isagoo sheegay in ay halkaasi ku geeriyoodeen xubno ka mid ah kuwii qaraxa maelgayey kuwaasoo damacsaneed in ay ku aasaan qarax dhulka, hase ahaate ay la qaraxday miinadii ay dhulka ku duugi rabeen. Caaqil Kilwe wuxuu noo xaqiijyey in gurigii qaraxu ka dhacay iyo kuwa la dariska ahaaba ay bas-beeleen.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland oo ku aadan qaraxa maanta ka dhacay xaafadda Garsoor ee Woqooioyaga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo argagax ku abuuray dadka rayidka ee degan goobjta uu qaraxa ka dhacay.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News