Monday, October 4, 2010

Maraykanka oo muwadiniintiisa Mar kale uga digay qatarta Al Qaacida Somaliya.

Dowladda Wadanka Maraykanka ayaa ka digtay Qatar ay sheegtay in muwaadiniinta wadankaasi ay uga imaan karto Al qaacidada ku sugan dhowr wadan oo uu ka mid yahay dalka Soomaaliya.
 
Maykal Shoor oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee ciidamada sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA-da oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in loo baahanyahay in muwaadiniinta Maraykanka ay ka foojignaadaan qatarta kaga imaan karta Al qaacidada ku kala sugan Soomaaliya, Yemen, Bakistaan, Ciraaq iyo Afganistaan.

“Waa mid looga baahanyahay muwaadin kasta oo Maraykan ah islamarkaana ku sugan dunida dacaladeeda in uu ka feegignaado, waana Qatar dowladda Maraykanaka ay il gooni ah ku eegeyso” ayuu yiri Maykal Shoor

Hadalka Maykal Shoor ayaa waxaa uu daba socdaa hadal ay dhawaan soo saartay waaxda arimaha dibada ee dalka Maraykanka kaasi oo ku aadanaa in muwaadiniinta Maraykanka ay in badan ka feejignaadaan safarada iyo dalxiisyada ay dunida ku aadayaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News