Tuesday, October 19, 2010

Maamulka Horseed Media oo ka hadlay weerarkii loo geystay Xaruntooda.

Maamulka Warbaahinta Horseed Media ee Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay weerar bambaanooyin ah oo xalay kooxo hubaysan ay ku weerareen Xarunta ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
 
ku simaha Agaasimaha Idaacada Horseed Media Cismaan Axmed Ciise oo maanta Saxaafada kula hadlay Xarunta Idaacadaasi ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in xalay fiidkii xili Idaacada uu ka jiray warkeeda fiidnimo ay soo weereen labo qof oo dadka deegaanku ay sheegeen in ay dhalinyaro ahaayeen kuwaasi oo ku hubeysnaa Bambooyin iyo Bastoolado.

Waxaa uu sheegay in qorshaha lagu soo weeraray Idaacada ay aheeyd talaabo lagu doonayay in lagu caburiyo Idaacadaasi ama cabsi lagu galiyo shaqaalaha Idaaacadaasi, waxaana uu warbaahinta kale ee Puntland uu ugu baaqay inay ka hortagaan kooxaha wax caburinaya ee doonaya inay Saxaafada aamusiyaan.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay weerarka loo geystay Idaacada Horseed Media  balse weerarkaani ayaa imaanaya xili Maamulka Puntland uu  6 Sano oo xarig ah ku xakumay Agaasimaha Idaacadaasi iyadoo lagu eedeeynayo in uu xariir la leeyahay xoogaga ka soo horjeeda Puntland.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News