Sunday, October 17, 2010

Hay’adda Save the Children oo baaq u jeesiday kooxihii afduubtay shaqaalaheeda.

Hay’adda Save the Children ayaa codsatay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo rag u shaqeeynayay Hay’adaasi oo lagu afduubtay qeybo ka mid ah degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
 
Afhayeen u hadlay Hay’adda ayaa waxaa uu sheegay in shaqaalaha la afduubtay ay ahaayeen laba ruux oo mid dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Zimbabwe hase’aahatee uu haysto dhalashada Ingiriiska halka kan kalana uu ahaa nin Soomaali ah kuwaasi oo uu sheegtay in ay ku howlanaayeen u gar gaaridda shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Caruurta iyo dadka dhibaataysan.
Hay’adda ayaa waxaa y sheegtay in la soo daayay ninkii Soomaaliga ahaa ee lala afduubtay ninka ajinabiga ah isagoo aan wax dhibaato ah loo gaysanin hase’ahaatee wali kooxahaasi ay gacanta ay ku hayaan ninka ajinabiga  ah iyadoo ka codstay in si sharuud la’aan ah loo soo daayo ninkaasi.
Hay’adda ayaa sheegtay in si aad ah ay ugu wal walsantahay ninkaasi oo kooxo aan lagaranaynin gacanta ku haayaan”waxaan u dalbanaynaa sida ugu dhaqsiya badan oo sharuud la’aan ah in loo soo daayo Xoryadiisana dib loosiiy, Hay’adda Save the Children hadafkeedo waa in ay caawio Caruurta Macluuisha iyo gaajada ku haysata Soomaaliya, Hay’addu ma’ahan u jeedo kale wax ay u joogto qeybo ka mid ah Soomaaliya balse waa in shacabka Soomaaliyeed ay bar bar istaagto, waxaana u taaganahay taageerida Caruurta iyo Haweenka kuwooda ugu liita, sidaasi daraadeed waa in la xushmeeyo Hay’adda iyo Shaqaalaheeda” ayay tiri  Hay’adda Save the Children.
Hadalka ka soo baxay Hay’adda Save the Children ayaa ku soo beegmay xili maamlmo ka hor kooxo aan haybtooda lagaranaynin oo Soomaali ah ay ku afduubteen  Shaqaalaheeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News