Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, October 15, 2010

Faahfaahin Ku Aadan Cidda Qabsatey Magaalada Cadaado.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka baxday gacan ku heynteeda maamulkii ka talin jiray ee Ximin iyo Xeeb.


Haddaba waxaa RBC Radio la soo xiriiray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb kuwaasi oo sheegay in Magaalada Cadaado ay ku soo duuleen maleeshiyaad qas wadayaal ah oo uu horkacayo C/shukri Cali Xirsi sida ay hadalka u dhigeen.

Mas’uuliyiintaasi ayaa sheegay in C/shukri aysan u aqoonsaneyn ka mid ahaanshaha Ahlusuna Waljameeca iyaga oo ku sifeeyay in uu yahay mid ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii ka dagaalami jiray magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay sheegen in haatan qaarkood gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay fitno ka wadaan.

Maamulkii Ximin iyo Xeeb mas’uuliyiintiisii ayaa gebi ahaanba markii gacantooda ay ka baxdey degmada Cadaado ee gobolka Galguduud waxaa ay u baxsadeen deegaanada ku dhow dhow degmada, iyaga oo sheegay in ay rajeynayaan in ay dib u qabsadaan degmada Cadaado saacadaha soo socda.

Hadalka ka soo yeeray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Ximin iyo Xeeb ayaa ku soo beegmaya xilli warbaahinta gebi ahaanba ay qortay ama sii daayeen in degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ay gacanta ku dhigeen Ahlusuna Waljameeca.

Degmada Cadaado ayaa waxaa horey uga jiray maamul gooni ah oo u taagan maamul goboleed kaasi oo ay dhisatay beel ka mid ah kuwa dega gobolka Galguduud iyaga oo ka madax banaan Kooxaha Islaamiyiinta ee ku hardamaya dalka Soomaaliya, lamana garanayo sababta haatan keentay in maamulkaasi afka ciida loo daro oo caasimadana laga qabsado.

RBC Radio.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News