Friday, October 15, 2010

Dad Xarardheere Lagu Dilay & Xiisada Oo Kacsan.

Ilaa iyo afar qof ayaa geeriyootey todoba kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii maleeshiyada Xisbul-islaan ee halkaasi ku sugan ay rasaas ku fureen dad rayid ah.



Arintani dadka ku dhinteen kuna dhaawacmeen ayaa ka dambeysay kadib markii goob fagaare ah oo dadka magaalada la isugu yeeray ay maleeshiyada Xisbul-islaan ku karbaashayeen nin deegaanka ah oo la sheegay in uu sameeyay gogol dhaaf, qaar ka mid ah dadka u soo daawasho tagey xukunka lagu fulinayo ninka eedeysanaha ah ayaa ka biyo diiday xukunka Xisbul-islaam ay ku fulineyso isla markaana waxay dhagax tuur ku bilaabeen maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa ee xukunka fulinayey.

Dadka deegaanka ayaa markii ay sameeyeen dhagaxtuurka waxaa maleeshiyaadka Xisbul-islaan ay sameeyeen rasaas ay ku fureen dadkii halkaasi ku sugnaa waxaana geeriyoodey ilaa iyo afar qof halka ay dhaawacmeen ilaa iyo todoba kale.

Xiisada magaalada Xarardheere ayaa kacsan iyadoo halkaasina ay ka jirto dhaq dhaqaaq ay wadaan maleeshiyaadka Xisbul-islaam ee deegaankaasi ku sugan, waxaana laga cabsi qabaa in dadka deegaanka ay sameeyaan kacdoon ka dhan ah maamulka Xisbul-islaan ee halkaasi ka dhisan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News