Sunday, October 17, 2010

Ahlu-Sunnah iyo TFG oo qabsaday Beled-Xaawo

Ururka Ahlu_Sunah iyo miliishiyooyin taabacsan Dawladda KMG ah ee Somalia, oo sida la sheegay a soo duuley dhinaca Dolow, ayaa saaka qabsaday magaalada Beled_xaawo
ee gobolka Gedo, kana qabsaday al_shabaab oo hore degaanaasi u haysatey.

Inta la ogyahay, ilaa dhawr iyo toban qof ku dhintay, in badan oo kale, oo ay ku jiraan dad rayid ahina waa ku dhaawacmeen dagaalladaasi saaka. Dhinaca kale, waxa jira dadweyne aad u fara badan oo ka qaxay magaalada Beled-xaawo, una qaxay dhinaca Mandera ee Kenya.



Ciidamadii al_shabaab ee hore u haystay Beled Xaawo waxa la sheegay inay u baxeen dhinaca Bari meel u dhaxaysa Beled_xaawo iyo Garbahaarrey.

Ma aha markii ugu horreeyey ee ay isbedesho gacan-ku-haynta Beled_xaawo, iyadoo marar hore ay kala qabsadeen al_shabaab iyo Ahlu_sunnah, marba mid.

Dhinaca kale, ilaa 4 qof ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna saaka ku dhinteen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu, ka dib markii ay isku dhaceen milishiyooyin ka kala tirsan al_shabaab iyo Xibul_Islan

Dalkaayaga@gmail.com.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News