Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, October 4, 2010

Agaasimayaasha uu Madaxweynuhu Magacaabay iyo Beelaha ay ka soo kala jeedaan

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”  ayaa  bishan 2deedii soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay Agaasimayaasha Guud ee Xukuumada JSL.

  Kuwaas oo u muuqda inay yihiin xilalkii ugu dambeeyey ee madaxweynuhu magacaabo in kastoo ay weli jiraan dad badan oo weli madaxweynaha ka sugaya inuu u magaaco xilal oo ka dhursugaya inay ka helaan xukuumada xilalkii loogu ballan qaaday waqtigii doorashada lagu jiray. 
 
Agaasimayaasha uu madaxweynuhu Magacaabay oo dhan 18 ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa beelaha ay ka  soo kala  jeedaan, waana sidan hoos ku qoran:-

1-Mudane, Cabdilaahi Xueen Cige (Blacki) – Agaasimaha Guud ee Daakhiliga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.  = Sacad Muuse- Jibriil Abokor

2- Mudane, Axmed Cabdilaahi Rooraaye -Agaasimaha Guud ee Dibu-dejinta ee Wasaaradda Arrimaha Guduaha ee JSL.=  Habar-jeclo- Biciide

3- Mudane, Cali Maxamed Cali – Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL. =  Warsangeli

4- Mudane, Khadar Axmed Diriye, Agaasimaha Guud  ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL. = Habar-yoonis, Sacad Yoonis

5- Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne) – Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL. = Ciidagale

6- Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) – Agaasimaha Guud ee Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.= Habar-yoonis, reer Xuseen.

7- Mudane, Salaan Cabdi Cige -Agaasimaha Guud ee Warshadaha ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshedaha iyo Dalxiiska ee JSL. = Gadabuursi/Samaroon

8- Mudane, Cabdilaahi Cabdi Axmed (Kubado) – Agaasimaha Guud ee  Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshedaha iyo Dalxiiska ee JSL.   = Sacad Muuse-Cabddala Sacad

9- Mudane, Faysal Cali Sheekh – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee JSL. = Sacad Muuse-Bah-gobo

10- Mudane, Cabdi Axmed Nuur  - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee JSL.  = Dhulbahante

11- Mudane, Maxamed Faarax Xirsi – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee JSL. = Ciise Muuse

12- Mudane, Cabdikariim Xaashi Cilmi – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee JSL.=   Sacad Muuse- Makaahiil

13-  Mudane, Ibraahin Ismaaciil Maxamed – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL. = Dhulbahante

14- Mudane, Axmed Nuux Caalin – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee JSL.  = Samaroon

15- Mudane, Mustafa Maxamed Qodax – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee JSL.  = Arab-Subeer Celi

16- Mudane, Maxamuud Raage Ibraahin – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda ee JSL. Habar-jeclo- Biciide.

17- Mudane, Axmed Dalal Faarax – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee JSL. = Ciidagale

18- Mudane Axmed Xasan Nuur  - Maareeyaha Guud ee Maamulka Mucaawimooyinka ee (WFP). =Tol-jecle.

Bishii September  26keedii ayaa Madaxweynuhu magaacabay labadan masuul oo kala ah:
 
1.  Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan - Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe (Centeral Bank) ee Jamhuuriyadda Somaliland = Sacad Muuse 

2.  Marwo Aamina Maxamuud Diiriye -Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda=Sacad Muuse

Qaran news

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News