Thursday, October 21, 2010

20 dagaalyahno Shabaab ah oo ku dhintay gaari Ahlu Sunna ay gubtay

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa kuwaramaya in ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna waljamaaca y gubeen gaari kuwa dagaalka ah oo ay saarnayeen koox ka tirsan AL Shabaab.



Ciidamada Ahlu Sunna waljamaaca ayaa si dhuumaaleysi ah meel howd ah oo ku dhow Degmada Maxaas ee Gobolka Hiraan ugalay gaari kuwa dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Shabaab.

Waxaaa lagu soo waramayaa in ciidamada Ahlu Sunna qoriga basuugaha la dhaceen gaari iyagoona halkaasi ku dilay ilaa 20 askari halka kuwa kalana ay ku dhaawaceen sida warar ay sheegayaan.

Dhanka kalana Gudoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee degmada Guricel ayaa warbaahinta u sheegay in 38 Al Shabaab ay ay ku dileen weerarkaasi iyo weerar kale oo isna kaadmo ahaa oo ay ciidamadooda ka fuliyeen meel ku dhow deegaanka Webxo ee Gobolka Galgaduud.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xarakada Al Shabaab oo ku aadan qasaaraha ka gaaray weerarkaasi iyo sheegashada Ahulu Sunna waljamaaca

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News