Friday, September 17, 2010

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo eedeeyay Shekh Shariiif.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa Sheeq Shairif ku eedeeyay inay ka socon la’dahay Xukuumada KMG, iyagoo dhinaca kalana sharci daro ku tilmaamay kulankii shalay ee Barlamanka KMG Soomaaliya.
 
Kadib kulan ay maanta ku yeeshen gudaha Magaalada Muqdisho xildhibaano qiyaastii gaaraya ku dhawad 100 xildhibaan, hase yeeshee sheegay inay gaarayaan 146 xildhibaan ayaa waxaa ay kaga soo horjeesteen kulanka shalay xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kaasi oo ay sheegeen in go’aanadii xildhibaanadu ay ku gaareen uu ahaa mid sharci daro ah maadaama sida ay tilamaameen kooramkii xildhibaanada uu ahaa mid aan dhameyn islamarkaana uu u dhacay si qalad ah taasi oo ah in gudoonka Barlamanka oo jooga ay xildhibaano tiro yar sida ay sheegeen ay kulankii qabsadeen.

Xildhibaan C/laahi Max’uud Waqaa oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb galay kulankii ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay kulankii shalay mudanayaasha Barlamanka ay isugu raaceen in Xukuumada ay hortagto Barlamanka, isagoo dowladda KMG ku eedeeyay in uu horseed u yahay dhibaatada ka dhex taagan Barlamanka iyo xukuumada KMG, waxuuna tilmaamay in waxa ay ka shaqeyn la’dahay xukuumada KMG uu yahay  isagoo ugu baaqay Sheeq Shariifi in uu joojiyo faragalinta uu ku hayo xukuumada sida uu hadalka u dhigey.

Dhinaca kale Xildhibaan Geelle Max’ed Aadan oo ka mid ah xildhibaanadii kulanka maanta ku qaatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sharci daro uu yahay kulankii shalay ay ku yeesheen mudanayaasha Barlamanka Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, isagoo dadkii codeeyay ku tilmaamay dad shacab ah oo kulanka ka soo qeyb galay, waxa uuna intaasi ku daray in loo baahanyahay in xukuumada lagala xisaabtamo wixii u qabsoomay iyo waxihii aan u qabsoomin, hadii ay wax qaban weysana ay waajib tahay in larido.

Kulankaani ayaa imaanaya xili maalintii shalay kulan ay ku yeesheen xildhibaano gudoonka Barlamanku uu ku sheegay inay gaarayeen 300 oo xildhibaan ay isku raaceen in xukuumada kMG maalinta sabtiga ah ay hortagto Barlamanka KMG si ay kalsooni u weydiisato Barlamanka.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News