Wednesday, September 1, 2010

Wariye ka Geedi oo lagu dilay Magaalada Galkacayo.

Kooxo dableey ah ayaa xalay waxa ay ku dileen wariya ka tirsan Radio Daljir ayaa waxa ay ku dileen bartamaha magaalada Galkacayo sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay ku dileen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.



Dilka wariye C/llaahi Geedi oo dhacay habeenkii xalay ayaa waxaa xaqiijiyay wariyeyaasha ka howl gala magaalada Gaalkacyo iyo dadka deegaanka iyo dad deegaanka oo sheegay in xiliga la dilayay wariyaha uu ku jiray afuraad.

C/llaahi Macalin Geedi ayaa wuxuu ka tirsanaa idaacadda Daljir xafiiskeeda magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug iyo sidoo kale Idaacada Bar-kulan ayadoona halkaasi uuga soo wada waramayay magaalada Galkacayo.

Waxaa meydkiisa lagu arkay dhaawac toorey ah inkastoo ay socdaan baaritaan dilka la xiriira, sida ay sheegayaan Saraakiisha amaanka Galkacayo iyo wariyaasha deegaankaasi.

Lama garanayo cida ka dambeysa dilka iyo sababta loo dilay wariye C/llaahi Macalin Geedi ayadoona ilaa haatan ay ka soconayaan Galkacayo baaritaano iyo xaqiijin la xariirta dilka wariyahaasi.

Dhanka kale, Guud ahaan Bahda saxaafadda Somalia ayaa tacsi tiiraanyo leh waxaa ay u dirayaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay wariye C/llaahi Macalin Geedi ayadoona uu ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon gobolkaasi.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News