Friday, September 17, 2010

Wahaabiyadii URURkii UWSLF ee Itoobiya la heshiisay oo Killilka Shanaad ka bilowday Afkaar Khawaarijnimo

Sida aanu ka helnay ilo wareedyo xog ogaal ah, waxaa waayadan
oo dhan socday hawlo Khawaarijnimo oo ay wadeen Wahaabiyadii URURkii la oran jirey UWSLF (United Western Somali Liberation Front).

Ururkaan ayaa ahaa Urur ay ku bahoobeen dadkii la oran jirey Al-tixaad, waxaana hoggaamin jirey ninka lagu magacaabo Ibraahim Dheere oo imminka ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya.

Ururkaan ayaa markii ay la heshiiyeen Madaxda Xukuumadda Itoobiya waxay bilaabeen in ay ku soo jeestaan Shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, iyagoo isla markiiba la soo galay erayo ad adag iyo weliba gaalaysiin cad.

Waxay bilaabeen in ay Culimadii Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Gobalka ku nooleed ay ku sheegaan in ay yihiin Gaalo waxay dadka bari jireenna ay ahaayeen Waxaan diin ahayn.

Waxay soo daabaceen Buug ay wax uga sheegayaan Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca iyo weliba shacabka halkaas ku nool ee caqiida ahaan Ahlu-sunna Wal-jamaaca, iyagoo ku sheegey in caqiidada Ashcariyada aysan ahayn caqiido sax ah, ee ay saxan tahay tan Wahaabiyadu.

Waxay soo daabaceen buug ay ugu magac dareen Madhaahirul Inxiraaf Al-caqiidiyi, waxayna kaga sheekeeyeen buuggaas wax yaalo badan oo ay aaminsanaayeen, waxaa ka mid ah:

Waxay buuggaas ku sheegeen in Qabuuraha oo la siyaarto iyo Qasiidooyinkuba ay yihiin Gaalnimo iyagoo taasna ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Culimadii waaweynd ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca. Waxay sidoo kale gaalnimo cad ku sheegeen in qabuurta la siyaarto. Waxay sidoo kale gaalnimo ku sheegeen Qubadaha iyo dhismooyinka lagu dhiso.

Waxay kaloo buuggaas ku sheegeen in ay bur burinayan Culimadii Waweynayd Qabuurtooda, waxaana ka mid ahaa Culimadii lagu sheegey in Qabuurtooda ay bur burinayaan kuwaan soo socda:

1 Sayid Maxamed Yuusuf Alwaytayniye
2 Sayid Nuur Cabdille kaldhayare
3 Sheekh Cali Barakaale
4 Xaaji Cabdille

Buuggaan ayaa waxaa la sheegey in si bilaash ah lagu qaybinayey waxaana qaybinayey Wahaabiyada iyo Khawaarijta, waxaana lagu qaybinayey deegaano badan, iyadoo ay ugu badnayd meesha lagu qaybinayey Magaalada Godey oo uu ka soo jeedey ninka Buuggaas qorey.

Qoraha Buuggaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cumar Nuur wuxuuna ka mid ahaa Xubnihii firfircoonaa ee Al-itixaad, wuxuuna ka soo qayb qaatey dhammaan dagaalladii Al-itixaadka min Kismaayo ilaa Boosaaso Gedo iyo ilaa Xamarba. Wuxuu sidoo kale ahaa Gacan yarihii Xasan Turki oo Walaashiis qabo, isagoo xubin muhiim ahna ka ahaa URURkii UWSLF.

Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ku sugan Killilka Shanaad ee ismaamul Gobaleedka Itoobiya ayaa shir ay yeesheen uga digey dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool in ay nimankaas was waaskooda iska ilaaliyaan, kana dheeraadaan meesha ay joogaan.

Sidoo kale Culimada ayaa wada ole Khawaarijta iyo Wahaabiyada looga hor imaanayo, taasoo laga yaabo haddii aysan Wahaabiyadu joojin waxa ay wadaan in gacan ola tagi doonaan si ay dadka iyo diintaba u difaacaan.


Xigasho: Mustaqiim

 



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News