Friday, September 24, 2010

Uganda oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.

Dowladda wadanka Uganda ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan ururka argagixisada ah ee Al Shabaab islamarkaana looga Shakisanyahay in uu ka qeyb qaatay weerarkii Magaalada Kamnpla ee Xarunta wadanka Uganda.
 
Ninkan oo lagu magaacaabo Omar Awadh Omar (Abuu Sahal) oo la sheegay in uu u dhashay dalka Kenya, ayaa maxkamad ku taala dalka Uganda la soo taagay iyadoo ciidamada booliska wadankaasi Uganda ay ku xireen xabsi ku yaala dalkaasi oo lagu magacaabo Nuzira.

Warar laga helayo ciidamada Sirdoonka dalka Uganda ayaa waxa ay sheegayaan in Mr.Awadh uu yahay wakiilka 2’aad ahna Taliyaha Ururka Al Qaacidda ee Bariga Afrika, waxaana ay intaasi ku dareen in uu weerar ku qaaday maqaayad ku tiilay xaafadda Ethiopian-ka ee Magaalada Kampala iyo goob lagu daawado cayaaraha iyadoo halkaasi ay ku dhaawacmeen inkabadan 50-ruux oo ka mid ahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda.

Ciidamada Sirdoonka ayaa sidoo kale waxa ay xireen nin isna lagu magacaabo Al-Amiin Kimathi kaasoo isna lagu eedeeynayo in uu qeyb ka ahaa qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala, kaasi oo iyana xabsiga ay dhigeen ciidamada amaanka ee dalka Uganda.

Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ee wadanka Uganda ay ku soo qab qabteen 3-ruux oo labo ka mi dah ay kala ahaayeen Mr. Omar Awadh Omar  oo ku magacdheer Abu-Sahal iyo Al-amiin Kimathi iyo Qareen isna u dhashay dalka Kenya kuwaasi oo dhamaantood laga soo qab qabtay Hotel ku yaalay Magaalada Kampala Taariikhdu markii ay aheeyd 15-kii  December , waloow markii lagu waayay ninkii qariinka ahaa dambi iska daayeen ciidamada sirdoonka.

Sarkaal u dhashay dalka Kenya iyo ciidamo booliska ee dalka Uganda ayaa si wadjir ah waxaa ay u sheegeen in Mr.Awadh oo ku magacdheer Abu-Sahal uu Al-Qaacidada Bariga Afrika iyo Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya uu u qaabilsanaa dhinaca Loojistikada iyo fangareenta tababarada Ururadaasi ay siiyaan dadka loogu tala galay in ay fuliyeen weerarada gaarka ah iyo qaraxyada ee wadamada Bariga Afrika, waxayna intaasi ay ku dareen in labada nin ee u xiran ciidama booliska dalkaasi ay fulin rabeen weeraro la mid ah kuwa Kampala lagu fuliyay kuwaasi oo ay ka geysan rabeen dalka Kenya.

Si kastaba ha’ahaatee hadalka kasoo baxay dowladda Uganda ee ku aadan qabashada hoogaamiyeyaal ka tirsan Ururka Al-Qaacidda iyo Al Shabaab ayaa ku soo aadaya xili dad aad u farabadan oo loo heysto ku luglahaanshaha weeraradii dad ka badan ay ku dhinteeen ee  11 July ka dhacay Magaalada Kampala ay ku xiranyihiin xabsiyada dalkaasi Uganda

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News