Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, September 24, 2010

Somalilan iyo Puntland oo maanta Maxaabiis isdhaafsaday.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa Maanta is dhaafsaday Maxaabiis kor u dhaafaysa 15 qof iyo gaadiidka nuuca xamuulka qaado ah kadib markii munaasabad maxaabiistaasi ay isku dhaafsadeen oo ka
dhacday inta u dhaxeysa Garoowe iyo Laascaanood.

Wararka laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka dhacday Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen odayaal dhaqameedyo ka kala socda labada dhinac taasoo Maxaabiis iyo gaadiid Xamuul ah ay ku kala wareegayeen Maamulada Somaliland iyo Puntland. Maamulka Somaliland ayaa ku wareejiyay Mamaulka Puntland 11 nin oo ciidamada Somaliland ay ka qabteen Xeebaha Somaliland kuwaasi oo goor sii horeysay ay xukun ku ridey Maxkamada Magaalada Mandheere ee maamulka Somaliland.

Dhinaca Maamulka Puntland ayaa Somaliland waxaa uu ku wareejiyay 7 gaari oo ay ka heysteen Maamulka Somaliland iyo darawaladii waday oo tiradooda lagu sheegay 5 qof kuwaasi oo ku afduubnaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Talaabadaani ayaa noqoneysa mid isku soo dhaweynaysa labada dhinac oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka dhex hirtay xurguf dhinaca heysiga deegaanada ay xaduudaha ku wadaagaan.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News