Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, September 15, 2010

Shacabka Gaalkacyo oo ka cabanaya falal amaan dari ah oo ka jira Magaaladaasi

Amaan daro baahsan ayaa waxaa lagu soo waaaramayaa inay ka taagantahay Xaafadaha Waqooyi iyo kuwa Koofureed ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug iyadoo arinkaasi ay cabasho ka muujiyeen shacabka ku dhaqan Xaafadaha ay amaan daridu ka jirto.
 
Iyadoo habeenimadii ugu dambeysay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay ka dhaceen dilal iyo dhaawacyo loo geysanayo dadka rayidka ah ayaa arintaasi waxaa walaac xoogan ka muujiyay qeybaha bulshada ee ku nool Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafadaha Waqooyi iyo kuwa koofureed.

Falkii ugu dambeeyay ee lagu waxyeeleynayo dadka shacabka ah ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Xaafada Hormar ee Waqooyiga Gaalkacyo halkaasi oo hal ruux lagu dilay mid kalana lagu dhaawacay, waxaana taasi ay keentay in cabasida ay ku sii korarto bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah dadka Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dadka shacabka ah xiliyada qaar ay la kulamaan dhibaatooyin xad gudubyo ah oo ay u geystaan kooxo hubaysan waxaan ay sheegeen in kooxahaasi hubaysan ay tooreeyo iyo hubka fud fudud ay uga qaataan moobilada iyo waxyaabaha kale ee ay wataan.

Mudooyinii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaa ay shaaca ka qaadeen inay wax ka qabanayaan amaanka guud ee Magaalada Gaalkacyo walow aysan muuqan talaabo ay u qaadeen dhinaca amaanka.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News