Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, September 29, 2010

Saraakiisha Maamul goboleed dhawaan looga dhawaaqay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya aya sheegay in ay gobolkaasi ka saari doonaan kooxda  Al Shabaab iyo Ururka Xisbulaam.

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo sheegtay in uu yahay gudoomiyha gudiga qabanqaabada soo dhisida Maamulkasi oo la hadlay Idaacadda VOA da ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Maamulka Dooxada Shabelle ee loo sameeyay gobolka Hiiraan uu wado qorshayaal gobolka Hiraaan uu kala wareegayo gacan ku heyntiisa kooxda Al Shabab isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabkii Maamulkaasi ay u soo dhiseen.


Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf  Dabageed) waxaa uu sidoo kale uu sheegay in Maamulka dooxada Shabelle ee loosameeyay maalin kahor gobolka Hiiraan dhqa dhaqaaqyo ciidan iyo mid Milatriba uu ka wado deegaanka kala beer , isgaa shaaca ka qaaday in ay qorsheynayaan in maalmaha soo aadan guud ahaan gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku dhow dhow gacn ku heyntooda ay kala wareegi doonaan kooxda Al Shabaab oo iyagu gacanta ku hayo, waxaana uu iska fogeeyay in dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo abaabulada dagaal oo ka jira deeganaka Kalabeyr  ay ku gacan siinayaan ciidamada Ethiopian-ah oo ku sugan deegaankaasi.

Lama oga goorta uu bilaabanayo ololoha militari  ee uu Dabageed ka dhawaajiyey.

Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News