Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, September 6, 2010

Puntland ayaa Marka Kale Eryatay Kooxdii Atam ee Buuralayda Galgala

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay dagaal uu ka dhacay duleedka buuralayda Galgala kaasoo u dhaxeeyey ciidamada amaanka ee Puntland iyo iyo kooxo argagixiso ah oo hogaamiyo nin  lagu magacaabo Maxamed Saciid Atam.



Wariyaasha ayaa sheegaya in dagaalka oo ay soo qaadeen ciidamada kooxda Atam ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, kadib daqiiqado ay rasaas fara badan is weydaarsadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa iyaguna waxaa ay sheegeen inay dileen mid ka mid ah argagixisada mid kalena ay dhaawaceen.

Labada askari ee ka dhaawacmay ciidamada Puntland ayaa waxaa la gaarsiiyay cisbitaalka magaalada Boosaaso oo lagu daweynayaa.
Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay la sii dagaalamaan kooxdan oo lagu eedeeye inay xiriir leeyhiin Alshabaab iyo Xisb Slaan oo ka dirira koonfurta Soomaliya.

Beesha caalmaka ayaa ku amaantay ciidamada difaaca ee Puntland sida dagaalanayaan argagixisada doonaysa inay qas iyo fowdo ka abuurta gayiga xasiloon ee Puntland. 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News