Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, September 1, 2010

Masaajidka Al-Huda Ee Ku Yaala Hargeysa Oo Lagaga Dhawaaqay In La Taageero Al-Shabaab

Masaajiidka Magaciisa la yidhaahdo Al-Huda ee ku yaala mid ka xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa habeen hore lagaga dhawaaqay in la taageero ururka Al-shabaab ee dagaalka qadhaadh kula jira dawladda Sheekh Shariiif  iyo Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka ah.



Sida ay dad Masaajiidka ku tukanayey Salaaddii Taraawiixdu Ay Haatuf u sheegeen,  markii la tukaday 4 Ragcadood ayaa waxa dhacday inuu Masaajidka ka dhex kacay nin ka mid ah dadkii halkaasi ku tukanayey, ninkaas oo dadka u sheegay inay waajib ku tahay inay taageeraan Jihaadka uu ku jiro ururka Al-shabaab, iyadoo uu xiligaas ay Masaajidka ku sugnaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheikh Khaliil C/laahi Axmed iyo Sheikh Maxamed Cali Geedi oo ah ninka Masaajidka dhisay.

Hasa yeeshee labadaa Sheikh iyo culimo kaleba ay xiligaas Masaajidka ku sugnaa, hadana wax jawaab ah kamay bixin dhawaaqii ninkaasi ku baaqay in la taageero Ururka Al-shabaab. 

Source: Haatuf

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News