Wednesday, September 1, 2010

Maamulka Sool oo ka hadlay dilka Taliyaha Degmada Sool.

Gudoomiyaha gobalka Sool ee maamulka Somaliland C/laahi Aw Jaamac Mire ayaa waxa uu ka hadlay dilkii loo geestay taliyihii ciidamada asluubta ee gobalkaasi Sool.



C/laahi Aw Jaamac gudoomiyaha gobalka Sool ayaa waxa uu sheegay in dilka taliya ay ka danbeeyeen kooxo hubaysan oo dablay ah, kuwaas oo baxsaday.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in haatan ciidamada amaanka ee gobalka Sool ay wadaan howlgalo lagu ogaanayo cidii ka danbaysay dilka loo geestay taliyhii ciidamada asluubta ee gobalkaasi.

C/laahi Aw Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu xusay in ciidamada amaanka ay sugi doonaan amaanka magaalada Laascaanood ee gobalkaasi.

Xalay ayaa magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada asluubta ee maamulka Somaliland ee gobalka Sool.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News