Friday, September 24, 2010

Maamulka Puntland oo weli xabsiga ku haya 16 nabadoon iyo ganacsato

Nabadoono, odayaal iyo ganacsato ayaa maalintii Talaadada ahayd lagu xiray magaalada Boosaaso, kuwaasoo ilaa iyo hadda ku xiran xabsi ku dhex yaalla saldhigga bartamaha ee magaalada Boosaaso.
 
Maamulka Puntland oo ka hadlay ayaa sheegay in odayaashu ay wax ka qaban wayeen in ay colaada joojiyaan labada beelood ee walaalaha ah isla markaana magaalada Boosaaso uu ka dhacay dilal u dhexeeya labad beelood sidaa dartedna in odayaashun isku arkaan xabsiga si ay nabada ku raadiyaan ayey puntland u dhigtay xabsiga.

Dagaalkan labada beelood oo in mudo ahba socday oo uu kasoo bilowday Igdhays ee degmada Ufayn ee gobolka Bari dagaalkaas oo dad badani naftoodii ay ku waayeen iyo dhaawacyo aad u tiro badan iyo hanti badan oo ku luntay colaadan labada beelood.

Xariga odayaasha  ayaa dad badani cambaareeyeen in uu maamulka Puntland si dhakhso ah  loo siiyo Xoroyadooda waxaana la sheegayaa in qaybo ka mid ah ay xanuun san yihiin oo aaney u adkaysan karin xariga lagulakacay iyo in qayb ka mid ah aanay wax lug ah ku lahayn colaadan.

Source: Puntlandnews

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News