Wednesday, September 29, 2010

Ma Dhabaa In Ismaaciil Bubaa Inuu Noqonayo Raysalwasaaraha Somaliya?


Ismaaciil Maxamud Hurre (Buubaa), oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka Somaliya, ayaa la saadaaliyay suurtogalnimada in loo magacaabo jagada Raysalwasaaraha dawladda Shiriif, oo uu dhawaan baneeyay Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 
 
 
Ilo wareedyo ku dhowdhow dawladda Shiriif, ayaa Geeska Afrika u sheegay inay jiraan dawlado ka mid ah daneeyayaasha arrimaha Somaliya oo xidhiidh wanaagsan la leh Sheekh Shiriif, kuwaas oo ku cadaadinaya inuu Mr. Buubaa u magacaabo jagada Raysalwasaarenimada dawladiisa, waxaana la sheegay inay dawladahaasi xidhiidh la sameeyeen Mr. Buubaa islamarkaana ay kala hadleen arrintan, lamana garanayo jawaabta uu ka bixiyay. Ismaaciil Buubaa oo aanu arrintan shalay wax ka weydiinay isagoo jooga Magaalada Nayrobi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo.
 
Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa dawladihii dhicisoobay ee Somaliya loo dhisayay ka soo qabtay jagooyin kala duwan, isagoo tiraba laba goor noqday Wasiirka Arrimaha dibadda, marna noqday Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaanu ka dhex muuqdaa siyaasadda Somaliya ee labaatanka sanno degi weyday, waana aqoonyahan siyaasi ah.

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News