Friday, September 24, 2010

Ku dhawaad 10 burcad badeeda Soomaali ah oo lagu Xakumay Kenya.

Maxkamada Magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa xukun sanado ah waxaa ay ku ridey ku dhawaad 10 burcad badeeda Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay afduuban rabeen markab laga leeyahay wadanka Spian.
 
Kooxahaani Burcad badeeda Soomaalida oo shalay galinkii dambe la horkeenay Maxkamada lagu qaado dabiyada kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee Magaalada Mombasa oo gaarayay ilaa 7 nin oo burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen Afduubashada markab ganacsi oo laga lahaa wadanka Spain.

Maxkamada ayaa ragaani waxaa ay ku xakuntay mid 5 sano oo xarig ah kaidb markii xirilaaliyaasha Maxkamada ay sheegeen in ay ku cadaadeen dambiyada lagu soo oogey ragaani burcad badeeda Soomaalida.

Todobadaani nin ee burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in sanadkii 2009-ka ay afduubteen markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Spain, waxaana mudo dhowr biloowd ah ay ku jireen xabsiyo kuyaala dalka Kenya.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa gacanta ku dhigey Ciidamada badda ee Midowga Yurub kuwaasi oo sanadkii 2009-ka u gacan galiyay dowladda Wadanka Kenya.

Kenya ayaa haatan waxaa ay ka mid tahay wadamada Maxkamada lagu soo taago kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyadoo xukuno xabsi dhowr jeer ku xakuntay  in ka badan 20 ruux oo burcad badeeda Soomaali ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News