Friday, September 3, 2010

Khilaaf u dhaxeeya Shiik Shariiif iyo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke oo soo baxay.

Waxaa soo shaac baxay Khilaaf u dhaxeeya Sheikh Sheriif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kaasi oo salka ku haya Dastuurka Cusub ee loo sameynayo Soomaaliya.

 
Khilaafkaani oo mudooyinkii u dambeeyay ku egaa oo kaliya Madaxda dowladda KMG ayaa soo iftiimay wixii ka dambeeyay Markii gudiga Madaxa Banaan ee ku howlan sameynta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya ay soo bandhigeen qoraal qabyo ah oo ka tirsan Dastuurka cusub kaasi oo soo baxay 30-kii july ee sanadkaani 2010-ka.

Markii la soo saaray qoraalkaasi ka tirsan Dastuurka cusub ayaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG waxaa uu beesha Caalamka u qoray warqad fariin ah, taasi oo la sheegay in uu si weyn uga soo horjeestay Sheekh Shariiif Sheekh Axmed.

Xiligaasi kadib  ayaa Xildhibaano lagu tiriyo inay taageersanyihiin Sheikh Shariif Sheekh Ahmed waxaa ay Villa Soomaaliya ka bilaabeen shirar gooni gooni ah oo ay ku dhaliilayaan gudiga Madaxa banaan ee ku howlan Sameynta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG oo ay ku eedeeyeen in ay sameynayaan dastuur sharci daro ah oo aysan waxba ka ogeyn mudanayaasha Barlamanka.

Dhankooda gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka cusub ayaa Maalin ka hor ayana waxaa ay gudaha Magaalada Muqdisho ku qeybiyeen qoraalka qabyada ah ee dastuurka cusub ee Soomaaliya iyagoo sidoo kale qoraaladaasi ku soo bandhigey magaalooyin ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Markii ugu horeysay soo shaac bixiyay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Sheekh Shuriif Sheekh Axmed, kaasi oo ku qotoma Dastuurka Cusub ee Soomaaliya, waxaana Ra’iisul wasaare Sharma’arke uu daaha ka rogey in uu jiro khilaafkaasi xili uu la hadlayay Idaacada VOA-da.

Majiro wali wax war ah oo muujinaya khilaafka labada dhinac oo ka soo baxay dhanka Shekh Sharif Sheekh Ahmed hase ahaatee xildhibaano ka tirsan dowladda KMG ayaa sheegay in Sheekh Shariiif uu dabada ka riixayo xildhibaanada Barlamanka ee dhaliilaha kulul u jeedinaya Xukuumada Ra’iisul wasaare Sharma’arke, xildhibaanadaas oo ka mid kooxdii maxkamadaha ee madaxda u ahaa shekh Sharif oo u badnaa firqada al-Islaax oo k mid ah firqooyinka wahaabiyada ee ka jira Soomaliya.

Shan bilood ka hor ayay aheeyd Markii sidan oo kale uu u soo baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda dowladda KMG gaar ahaan Gudoomiyihii hore ee Barlamanka Sheekh aadan Madoobe,  Sheekh Shariiif iyo Ra’iisul wasaare Sharma’arke taasi oo keentay inuu Aadan Madoobe is casilo, Sharmaarkena ku sigto inuu waayo mansabkiisa.

Dalkayaga@gmail.com



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News