Tuesday, September 21, 2010

Ina Cabdirashiid oo is Casilay!

Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Maanta isku casilay Xarunta  Villa Soomaaliya iyadoo iscasilaadiisana uu soo dhaweeyay Sheeekh Shaariif Sheekh Axmed.


kulan mudo dhowr Saacadood ah qaatay oo Xarunta  Viila Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho maanta ay ku qaateen Madaxda sar sare ee dowladda KMG Soomaaliya, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda KMG ayaa gaba gabadii kulankaasi Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG  waxaa uu iska Casilay xilkii uu ka hayay dowladda KMG.

Ma’ahan Cumar C/rashiid Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dowladda KMG Soomaaliya oo xilkiisa isaga Casila khilaaf Madaxweyne hase ahaatee dhamaadkii 2007-da ayaa Ra’iisul wasaarihii hore dowladda KMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi waxaa uu Barlamanka KMG Soomaaliya oo xiligaasi ku shirsanaa Magaalada Baydhabo uu ka horcadeeyay in uu xilkiisa isaga tagay, waxaana ilaa iyo hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay is casilaada Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke walow wararka qaar ay sheegayaan in cadaadis uu uga yimid dhinaca beesha Caalamka.

Dalkayaga@gmail.com







0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News