Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, September 29, 2010

Godane iyo Roobow oo khilaafkooda faraha ka baxay

Khilaaf mudo ka dhex jiray Hogaamiyaha kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane iyo ku xigeenkiisa Mukhtaar Roobow Cali ayaa cirka isku shareeray
kadib markii uu guuldaro ku dhamaatay shir lagu dhexdhexaadinayay oo sedex maalmood uga socday Hotel ku yaal Magaaladda Marka ee gobolka Shabeeladda hoose.

Khilaafka ayaa laba kacleeyay kadib markii Ahmed Godane golaha sare ee talada Al-Shabaab ka saaray Mukhtaar Roobow sidoo kalena amray in la dhameeystiro Sarkaal ku dhaawacmay dagaaladda Muqdisho,kana tirsanaa garabka Melleteri ee Mukhtaar Roobow Cali.

Markii lagu kala tegay shirkii Marko oo Mukhtaar Roobow uu qaatay dhaawacyadii ka yeelay Muqdisho iyo Shabeeladda hoose ,sidoo kalena kaxeeystay Maleeshiyaadkii beeshiisa,waxaa uu Amiirka Al-Shabaab khudbad uu jeediyay ku gaabsaday in Abuu Mansuur yahay nin ka leexday hadafka Jihaadka lagana saaray golaha sare hasse yeeshee Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad Afakhani oo ay isku reer yihiin Godane ayaa khudbad uu jeediyay ku weeraray Abuu Maansuur,wuxuuna yiri " Waa daalim Mukhtaar Roobow,waa nin qabyaalad ka buuxda,wuxuu yahay maleh,hanaga tago"

Fu'aad shongale oo ka mid ahaa gudigii dhexdhexaadinayay Ahmed Godane iyo Mukhtaar Roobow ayaa Magaaladda Baydhabo khudbad uu kula hadlay Saraakiisha Maleeshiyadda Al-Shabaab wuxuu ku yiri"Dagaal Mujaahidiinta dhexdooda ah ayaa laga yaabaa inuu bilaawdo, dagaalkaas haduu bilaawdo waa fitno, yaan laga qeyb gelin, nin walba beertii aabihiis ha aado"

Qaar ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab ayaa ku xog waramay in Ahmed Godane yahay nin qabyaalada ku weyn tahay laabtiisa,uuna madaxda ugu sareeysa Amniyaadka,dhaqaalaha iyo gaashaandhiga ka wada dhigay Saraakiil reerkiisa ah sida Ibrahim Afakhani,MMNUR,oo loo yaqaan Faruur iyo Caraale.

Lamma ogga sida uu ku aakhirsan doona khilaafka Godane iyo Mansuur laakiin wuxuu Ahmed Godane aad u habeeyay Maleeshiyaad u dhashay beesha Hadamo kuwaas oo la sheegay inuu rumeeysan yahay inay asal ahaan u dhasheen Beesha Arab ee Isaaq,uuna isaga ka dhashay.

Goboladda Jubooyinka,Bay iyo Bakool,Shabeeladda hoose iyo Hiiraan waxaa ka madaxa rag u dhashay beesha Ahmed Godane.

123 ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab oo la sheegay inay dhaawacyadooda halis ahaayeen ayaa la qarxiyay inta godad lagu shubay kadib markii uu sidaa amray Ahmed Godane oo ku sifeeyay amarkiisa mid ragaas loogu sahlayay gelida Janadda.

Taariikhda waa markii ugu horeeysay ee gudaha Somalia lagu arko maleeshiyo ay nolosha ku gubayaan isla kooxdii ay ka tirsanaayeen.halkaan ka dhageyso magacyada golaha sare ee Al Shabaab

Source: Waaggcusub






0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News