Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, September 6, 2010

Edward Nino Hernandez Waa Ninka Dunida Ugu Gaab

Ninka haysta rikoorka gaabnida ee Aduunka ayaa noqdey Edward Nino Hernandez, waxa uu u dhashey dalka Colomia, waana 24 jir.

Dherarka Nino ayaa ah 69cm, miisaanka culeyskiisu waa 10kg. Hooyada dhashey Nino ayaa sheegtey in korniimada wiilkeeda Nino ay istaagtey markii uu ahaa 2 sano.


Noemi Hernandez oo ah hooyada dhashey ninka haysta record-ka dunida ee gaabnida ayaa sheegtey in markii horeba uu ku dhashey yaraanta waxaana culeyskiisu ahaa markii uu dhashey 1.5kg halka dherarkiisu uu ahaa 38cm.

Noemi Hernandez ayaa sheegtey in sanadkii 1992 ay ka dhimatey gabadh kale oo noociisa la mid ah, ilmaha ugu yar caruurtooda ayaa ah 11 jir dhererkiisu yahay 93cm, waana qof la mid ah Nino inkasta oo xoogaa uu ka dheeryahay, saddexda wiil oo kale ee la dhashey Nino waa dad iska leh dherarkii caadiga ahaa.

Edward Nino Hernandez ayaa la sheegay in uusan indhaha si fiican wax uga arag, sidoo kale aanu ahay qof wax qori kara, waxa uu sheegay in uu lee yahay gabadh caashaq ka wada dhexeeyo taas oo ah 18 jir dhererkeedu yahay 1.5mitir, Nino ayaa noloshiisa ka maareeya xoogaa lacag ah oo ka soo gala, qoobka cayaar uu ku sameeyo meelaha la isugu yimaado, iyo sawirada uu la galo dadka qaarkiis.



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News