Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, September 9, 2010

Dowladda Jabuuti oo Soomaali iyo Ethiopian ka masaafurineysa dalkeeda.

Dowladda Wadanka Jabuuti  ayaa sheegtay in dalkeeda ay ka soo masaafurineyso in ka badan 400 oo ruux oo isagu jira Soomaali io Ethiopian kuwaasi oo ay sheegtay in dalkeeda ay ku joogaan shi sharci daro ah.
 
Ciidamada booliska dalka Jabuutii ayaa howlgalo ay ka  sameeyeen magaalada Jabuuti waxaa ay ku soo qab qabteen ilaa iyo 400-ruux oo isugu jira Soomaaliya iyo Ethiopian oo si sharci daro ah ku joogay magaalada Jabuuti ee Xarunta dalka Jabuuti.

Saraakiil u hadashay ciidamada booliska ayaa sheegay in dadka ay ku soo qab qabteen ciidamada boolisk dalka Jabuuti howlgalo lagu bur burinayay dhismayaal iyo guriyo sharci daro ah ku yaalay magaalda Jabuuti ee Xarunta dalka Dalka Jabuuti.

Saraakiisha waxaa ay sheegeen in dadkaasi lagu xiray Xabsiga Nagaad islamarkaana la wado qorshoyaal dib loogu celinayo dalalkii ay ka yimadeen ee Soomaaliya iyo Ethiopia iyadoo ay soconayaan su’aalo dhowr ah oo la waydiinayo dadka ay ciidamada ka soo qabteen  howlgalka ay ka sameeyeen magaalada Jabuuti.

Dhinaca kale kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa magaalada Cope town ee dalkaas ku dilay muwaadin Soomaali ah halka mid kalana ay ku dhawaceen ka dib markii ay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay ku lahaayeen magaalada Cope town.

Burcada ayaa weerarka ay ku dhibaateeyeen muwaadiniinta Soomaalida ah  waxaa ay u adeegsadeen dhalooyin shidaal ay ku jireen kuwaasi oo qaraxyo ku sameeyey goobta  ganacsi ee ay dhalinyaradaasi Soomaalida ku lahaayeen Magaalada Cope Town.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News