Friday, September 3, 2010

Dad Barakacayaal ah oo dalbaday in gargaarka aan loo gacan galin Xisbul Islaan.

Barakacayaasha iyo naafada deegaanada loo barakacay ayaa ku baaqay in raashinka gar gaar ahaanta loo soo gaarsiiyo aan loo gacan galin Ururka Xisbul Islaaan xili dhawaan saraakiil ka tirsan Xisbul Islaan ay amar ku bixiyeen in la soo marsiiyo raashinka dadka barakacayaasha.
 
Qoysaska Barakacayaasha ah iyo Naafada ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo qaarkood wareysi siiyay Idaacadaha maxaliga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka codsadeen hay’adaha gargaarka bixiya in deeqaha loo wado aan loo gacan galin Maamulka Xisbul Islaan ee ka taliya deegaanada Ceelasha biyaha iyo Lafoole.

Qoysaskaani ayaa ka codsaday Maamulka Xisbul Islaan in ay is hortaag ku sameynin raashinka loogu talagalay qoysaska Barakacayaasha ah sida uu ka dhawaajiyay xSalaad Xasan Max’ed oo ka mid ah Naafada ku nool deegaanka ceelasha biyaha.

Waxaa uu intaasi ku daray Salaad Xasan in deeq gaareysa 240 loor oo galley ah meel loogu qeybinayay dad barakacayaal ah inay maanta soo gaareen Ciidamada Xisbul Islaan kuwaasi oo dadku ay su’aalo badan iska weydiiyeen sababta keentay in halkaasi ay tagaan walow saraakiil horkaceysay ay sheegeen inay ciidamadaasi amaanka sugayaan.

Codsigaani ka soo yeeray qoysaskaani Barakacayaasha iyo naafada ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa imaaneysa xili Maalin ka hor Maamulk Xisbul Islaan ee deegaanka Lafoole uu amar ku siiyay horjoogayaasha Kaamamka dadka barakacay in raashinka Mucaawinada ah ay soo marsiiyeen ka hor inta aan loo qeybin dadka barakacayaasha.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News