Monday, September 6, 2010

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo dhoobay mid ka mid ah gobolada maamulka Somaliland

Wararka ka imaanaya gobolka Awdal oo ka tirsan deegaanada maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegaya in xadka u dhaxeeya maamulkaasi iyo Itoobiya la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Sida warku sheegayo jiida hore ee xadka ku dhaxeeya Gobolada Awdal/Salal iyo dalka Itoobiya ayaa lagu arkay ciidamo itoobiyaan ah oo aad u farabadan, kuwaas oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ee kala duwan, waxaana la sheegay inay baaritaano ku bilaabeen gaadiidka galaya iyo kuwa ka soo baxaya dalka Itoobiya ee aadaya ama ka imaanaya dhanka maamulka Somaliland.

Ilaa hadda lama garanayo sababta ka dambeysa ee xilligan ay dowladda Itoobiya ciidamo intaasi la’eg ay soo dhoobto xuduuda ay la wadaagto maamulka Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal, waxayse wararka qaar sheegayaan in hoos u dhac ballaaran oo ku yimid lacagta birta Itoobiya, marka loo eego sarifka dollarka ah, iyo cabsi dhinaca ammaanka ah oo ka soo wajahday dhinaca dalka Soomaaliya oo dhan ay sabab u tahay keenista ciidamadaasi, laakiin ma jirto cid si rasmi ah xaqiijinaysa.

Doraad ayey aheyd markii ay ciidamada Itoobiya kala baxeen Hotel ku yaala gobol ka mid ah gobolada hoostaga maamulka Somaliland 3-nin oo ka soo jeeda Killinka Shanaad gaar ahaan qowmiyadda Ogaadeen, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan la bixitaanka ciidamada Itoobiya dadkaasi Soomaalida ah.
 

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News