Wednesday, September 29, 2010

Ciidamo Ethiopian-ah oo soo gaaray deegaanka Quracjoome ee gobolka Bakool.

ciidamo farabadan oo Ethiopian-ah ayaa shalay galinkii dambe soo gaareen qeybo ka mid ah  gobolka Bakool iyadoo dhaq dhaqaaqyo Milatarina  ay ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin.
 
Wararka ka imanay qeybo ka mid ah gobolka Bakool gaara ahaan deegaanka Quracjoome ina shalay galinkii dambe ay ciidamo Ethiopian islamarkaan ay la socdaan  ciidamo lagu magacaabo New-boolis ay soo gaareen halkaasi iyadoo saakayna ka bilaabay dha dhaqaaqyo ciidan.

Waxaana dadka qaar ee ku dhaqan deegaanka Quracjoome ay sheegeen iin ciidamo farabadan oo Ethiopian-ah in saakay lagu soo daadiyay xaafadaha kala duwan ee deegaankaasi islamarkaana fariisimo dhowr ah ay ka kala sameesteen duleedka deeganada ay iminka ku sugan yihiin.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ciidamada Ethiopian-ka ay u soo gaareen gobolka Bakool .


Dhaq dhaqaaqyadan iyo waliba imaatinka ciidamada Ethiopian-ka ee soo galay qeybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa waxaa ay imaanaysaa xili sidoo kale deeganka kalabeyrka ee gobolka Hiiraan maalmo ka hor iyana ay soo galeen ciidamo farabadan oo Ethiopian-ah islamarkaan wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo la sheegay in  maalmihii u dambeeyay kulamo kula qaadanayay wax garadka deggen gobolka Hiiraa. 

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News