Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, September 11, 2010

Ciidamo Ethiopian ah oo fariisimo ka sameystay degmada Balanbal ee G/Galgaduud.

Ciidamo Ethiopian ah oo aad u farabadan ayaa fariisim cusub oo horleh waxaa ay ka sameysteen degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo tiro yar oo Ethiopian ah.



Fariisinkaani cusub ee ay Ciidamada Ethiopianka ka sameysteen Magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa yimid kadib markii labadii cesho ee ugu dambeysay ciidamadaasi iyo ciidamo kale ay ku sugnaayeen Magaaladaasi.

Dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi ayaa warbaahinta Shabelle u xaqiijiyay fariismahaani cusub ee ay degmadaasi ka sameysteen Ciidamada Ethiopianka, waxaana ay sheegeen in Galbeedka iyo Koofurta Magaaladaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa Fariisimahaasi cusub.

Dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in aysan jirin dhibaato ay geysanayaan ciidamada Ethiopianka ee halkaasi ku sugnaa Maalmihii la soo dhaafay, waxaana la ogeyn in ciidamadaani ay u soo talaabi doonaan degmooyinka kale ee gobolka Galgaduud iyo in kale.

Ma’ahan markii ugu horeysay oo ciidamo Ethiopian ah ay ka soo gudbaan Xadka islamarkaana ay soo gaaraan Magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud.


Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News